Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay dib u furi doonto khadad telefoonada oo loo dirayo Kuuriyada Koonfureed, si loo fududeeyo wadahadal ku saabsan sida ay uga qayb qaadan karto ciyaaraha qaboobaha la ciyaaro ee Olombikada.
Wakaaladda wararka ee Kuuriyadda Koofureed Yonhap ayaa soo warisay in kanaalka Isgaarsiinta ee Kuuriyada Koonfureed lagu soo celin doono hawada saacadu marka ay tahay 15.30 subaxnimo Arbacada (maanta).
Arrintaan ayaa timid kadib markii hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu sheegay in uu “diyaar u yahay wadahadal” oo lala yeesho Xukuumadda Seoul iyo in uu u diro koox cayaareed ka qeybgala ciyaaraha Olombika ee la qabto xiliyada qaboobaha.
Labada waddan ma aysan yeelan wax wadahadal ah ilaa iyo bishii December ee sannadka 2015-kii.
Sarkaal ka tirsan Xukuumadda Kuuriyada Waqooyiga ayaa telefishinka uga dhawaaqay in khadka telefoonka uu dib u furmayo.
Waxa uu sheegay in labada waddan ay ka wada hadli doonaan arrimaha la xiriira hindisaha ku aaddan soo jeedinta ah in wafdiga waqooyiga Kuuriya loo diro ciyaaraha Olombikada ee ka dhacay magaalada Pyeongchang, Koofurta Kuuriya bisha Febraayo.