Jubbaland oo sheegtay in ay hakisay wadashaqeynta dowladda Federaalka

395

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta shaaciyay in ay joojiyeen wadashaqeyntii kala dhexeysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiiradda Jubbaland oo uu shir Guddoominayay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed ayaa looga hadlay xaaladaha ammniga Jubbaland iyo wakhtiga doorashooyinka iyo sidii loo sugi lahaa nabadgalyada mudada lagu jiro howlaha doorashooyinka.

Shirka Golaha Wasiiradda Jubbaland ayaaa looga dhawaaqay in la hakiyay maanta laga bilaabo wadashaqaynta iyo isku socodka Xukuumadda Federaalka ah iyo Jubbaland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa kula aragti duwan doorashada Jubbaland oo hadda Xildhibaannadda Baarlamaanka Jubbaland.

Arrintaan aya sidoo kale ku soo aadaysa iyadoo shalay Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay liiska ergada soo xulaysay Xildhibaannadda in aysan sax ahayn.

SHARE