Jubbaland oo amaro ka soo saartay amniga maagalada Kismayo

361

Kismayo – Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saartay xaalada amniga maagalada Kismaayo ee xarunta dowlad Goboleedka Jubbaland. War qoraal ah oo ka soo Guddiga amniga doorashooyinka Jubbaland ayaa lagu sheegay in amniga magaalada Kismaayo xalaad feejig waan ah.

War saxafadeedka ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 6 makhribnimo 20/08/2019 ilaa 23/08/2019 la xiray xudduuaha magaalada Kismaayo ee cir, dhul iyo bad.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in heegan la geliyay dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xogga dalka kuwooda ka hawlgala magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland aya loo asteeyay in ay dhacdo maalinta Khamiista ah ee 23 bishaan Ogoosto.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Guddiga amniga doorashooyinka Jubbaland.

SHARE