Jordan oo soo ceshanaysa dhul ay Israel ka kiraysatay

846
Boqor Cabdullah ayaa sheegay axadii in Jordan ay soo ceshanayso dhulka ay horey uga kiraysatay Israel. Sawirka: EPA

Dowladda Jordan ayaa u sheegtay Israel in ay doonayso in ay dib u soo ceshato laba qeybood oo dhul ah oo Isreal horrey uga kiraysatay heshiis dhexmaray sanadkii 1994-kii heshiiskaas oo loo yaqaan ( Heshiiska Nabadda).

Boqor Cabdullah labaad ee Jordan ayaa ku dhawaaqay talabadaan, taasi oo ay soo dhawayeen dadk dhaqdhaqaaqa iyo kooxaha bulshada rayidka ee heshiiskaan ka soo horjeeday.

Heshiiska, ayaa Israel waxa ay kiraysatay 405 hectar oo dhul beereed ah oo ku yaalla qeybta Koonfureed ee xudduuda ay la wadaagto Jordan oo loo yaqaan al-Ghumar, iyo sidoo kala aagga yar ee al-Baqura ee u dhow isku xirka webiyada Jordan Yarmouk.

Dhulkaan, beeraha qaniga ku ah oo hadda ay beertaan beeralay – kiraysan 25 sano, iyo 12 bilood oo ogeysiis ah oo haddii loo baahdo kordhin degdeg ah looga hortagi karo. Waqtiga kama dambaysta ah ee cusbooneysiinta ama kordhinta heshiiskaan ah Khamiista, 25-ka bishaan OKtoobar.

“Waxanu ku wargelinay Israel in ay joojiso codsiga heshiiska nabadda ee ku saabsan lifaaqyada dhulalka al-Baqura iyo al-Ghumar,” ayuu yiri boqor Cabdullah.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israel ay Jordan kala xaajoon doonto kordhinta heshiiska, kaasi oo dhacaya sanadka soo socda.

Macada sida iyo waqtiga dhulkaan dib gacanta Jordan ugu soo noqon doono, kaasi oo ilaa 1948 ay Israel gacanta ku haysay.