Joojinta Taageerada Caalamku Siiyo Ciidanka Soomaaliya waqtigeeda lama joogo – UM

2261
Somali PM's recent visit to the Pentagon photo/Google

Mogadishu (UM)-Wararka soo baxaya ee sheegaya in Maraykanku uu kaalmadii milatari ka goosanayo unugyo ka tirsan milatariga Soomaaliya kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin, Talaabadan ayaa noqonaya mid laga naxo balse aan aheyn mid lala yaabo, gaar ahaan marka la eego hab dhaqanka siyasadeed ee Mareykanka oo muddoyinkan dambe is bad-badalayey.

Sida laga soo xigtay wasaaraada arrimaha dibadda ee Maraykanka waxaan marnaba taageerada laga gooyn doonin ciidanka Soomaaliya oo ay si toos ah gacanta ugu hayaan la taliyaal Maraykan ah ama kuwa dagaalka tooska ah kula jira argagixisada iyo xagjirka sida Danab oo kale.

Maraykana ayaa markaan si aan hore loo arag ugu lug leh dagaalka lagula jiro Al-Shabaab dhul ahaan iyo cir ahaanba. Ciidamo ka tirsan Maraykana ayaa tababara ciidamadda Soomaaliya, tusaale ahaan, mararka qaarna hawlgalo kala qayb qaata ciidanka qaranka Soomaaliya sida ay tilmaamayaan warbixino lagu kalsoonaan karo. Waxaa jira warbixino la xaqiijiyay oo tilmaamaya in mid ka mid ah ciidanka badda ee Maraynka uu ku dhintay labo kalena ku dhaawacmeen iyaga oo ku jira hawlgal lagu ugaarsanayay xubin sare oo ka tirsan Shabaab.

Weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee laga hago xarunta taliska Maraykana ee Jabuuti ay ka geysanayaan saldhigyada shabaab si loo wiiqo awoodooda ciidan ayaa mararka qaar muran badan dhaliya. Murankaas ayaa waxaa sabab u ah khasaaro soo gaara shacabka ku nool deegaanada hawlgalada laga fuliyo. Kii ugu danbeyana waxa uu keenay in taliska dhexe ee Maraykana uu sameeyo baaris lagu ogaanayo khasaaraha shacabka  ka soo gaaray weerarada.

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ayaa sii xogeysanaya iyadoo Maraykankuna wali ku tiirsanayahahy ciidanka Amisom iyo kuwa qaranka Soomaaliya oo uu ka filayo in ay ka adkaadaan Al-shabaab, guud Soomaaliya iyo gaar ahaan mandiqadda gobolka. Hasa yeeshee waxaa muuqanaya in cidda kaliya ee maraynku kula shirkoobi karta dagaalka ay tahay ciidanka qaranka Soomaaliya maadaama Amsiom lagu wado in ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka 2020ka.

Go’aanka ah in la joojiyo kaalmada milatari ee Maraynka ma ahan mid kama danbeys ah sida ay wasaarada arrimaha dibadda Maraykana qoraal ku caddeysay. Sargaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda Maraykanka ayaa carabka ku adkeeyay in kaalmadu dib u bilaaban doonto marka dawladda Soomaaliya ay dib u eegis ku sameeyso hab maamulkeeda ciidamadda, taas oo uu sarkaalka maraykanka qiray in ay ka go,antahay dawlada Soomaaliya oo rabta in ay badasho habka loo maamulo kaalmada caalamiga ah. Balse go,aankan degdega ah si kasta oo uu u Mareykanku uga dan leeyahay ba waxa  uu dhaawac ku yahay dawlada federaalka iyo ciidanka qaranka.

Warbixinta qiimeeynta diyaargarowga ciidanka oo la soo gabagabeeyay sanadkaan waxay muujineysaa caqabadaha dhaqaale, saad iyo waliba agabka kale ee heysata ciidanka qaranka oo uusan noqon karin mid u diyaarsan shaqadiisa. Warbixinta waa qiimeeyn dhab ah, Maraykankuna waa  uu soo dhaweeyay in dib u habeyn lagu sameeyo hab maamulka ciidamadda Soomaaliya, sidaa darteed waa in Maraykanu gacan ka geeystaa meelaha buuxinta u baahan ee uusan kaalmada goosan, taasi waxay awood siin doontaa Al-shabaab.

Daah-furnaan iyo isla xisaabtan ayaa ka ahaa ciidanka Soomaaliya dhexdiisa mid caqabad ah. Ka hor intii wasaarada maaliyada aysan bilaabin nidaam askarta lagu diiwaan galinayo kombuyuuutar oo askartu si toos ah lacagta ugu qaadanayo, taliye walba ayaa askarta lacagta u qaybin jiray si toos ah. Taas ayaa abuurtay musuq maasuq badan, isdaba marin iyo sicir barar shaqaale. Haddii go,aankaan uu imaan lahaa ka hor isdiiwaangalinta habka casriga waxaa qiil noqon laheyd in la gooyo kaalmada sababta oo ah Maraykanka waxa uu marar badan ku xiray sii wadida kaalmada yareenta isdaba marinta iyo musuqa,

laakiin go,aanka ayaa yimid markii la bilaabay isbadalka taasna waxa ay dhaawici kartaa niyada isla markaasna majaxaabin kartaa dadaalkii dawlada Soomaaliya ay ku dooneeysay hab diiwaan galin casri ah iyo waliba isku dhafka ciidanka qaranka.

Dhab ahaantii Maraykanku waxa u Soomaaliya siiyaa taageero kala duwan, taageeradaasna waxay sii xoogeysanee marka 3da malyan  ee dollar ee loogu talo galay hawlaha guud, hormarinta dhaqaale iyo adeegyada asaasiga laguna saxiixay Muqdisho la bixiyo. Intaas oo dhan waa waxba kama jiraan ammaan la,aan. Maraykana waa kan ugu sarreeya dhinaca ammaanka, taageeradiisa maaliyadeed iyo hawlgal waxay gacan ka geysan kartaa ka adkaashaha argagixisada caalamiga oo khatar ku haya caalamka. Jabinta Alshabaab waxay niyad jab ku noqon doontaa argagixisada caalamiga oo hadda aad iskugu xiran qorsheynayana in ay adduunka qalqal galiyaan.

Dhinaca kale iswaafajin la,aanta Maraykana ee taageeraha dhaqaale iyo tan ammaan waxay dhiiri-galin u noqon doontaa argagixisada,waxayna wiiqi doontaa dawlada dhexe ee Maraykanku taageero, iyada oo sidoo kale baabi,n doonta niyada iyo awooda ciidanka.

Dhankeeda dawlada Soomaaliya waa in ay dadajisaa dib-u-habeeynta waaxda amniga. Tan ayaa soo jiitameysay ilaa iyo afar sano, mana ahan mid ay u dulqaadan karaan shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah. Dawlada Soomaaliya iyana waa in ay aruurisaa dhaqaale ku filan oo ay ku maagalin karto ciidanka ammaanka.

Si caddaalad ah, dhammaan saaxiibada Soomaaliya waxa ay ka walaacsanyihiin horumarka gaabiska ah ee laga sameeyay dib-u-habeeynta dhinaca hey’ adaha ammaanka. Haddii go’aanka midowga Yurub ee ay labaatan boqolkiiba uga jareen Amisom uu ahaa mid adag, kan Maraykana ee ah joojinta kaalmada tooska ee Soomaaliya la siiyo ayaa ah mid ka sii xanuun badan.

Dawlada Soomaaliya waa in ay si dhaqso ah dib ugu noqotaa warbixinta qiimeeynta diyaar ahaanshaha ciidanka oo qaadata go,aan wax ku ool ah.

Dhankoodana beesha caalamka oo Maraykanka iyo midowga Yurub ku jiraan waa in ay dul-qaataan oo aysan  ka bixin dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga iyada oo ay hadda muqato in loo dhawyahay guul iyo in la gurto miraha guusha.

SHARE