John Kerry oo loo magacaabay inuu noqdo ‘Ergeyga Gaarka ah ee arrimaha Cimilada’

564
John Kerry oo loo magacaabay inuu noqdo 'Ergeyga Gaarka ah ee Isbeddelka Cimilada' u qaabilsan Aqalka Cad: AP

Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa u magacaabay John Kerry inuu noqdo ‘Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Cimilada taasi oo noqonaysa,’jago cusub oo ka dhex jirta Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad.

John Kerry oo horrey u soo noqday Xoghayahaarrimahadibadda Mareykanka maamulkii Madaxweyne Obama, ayaa gacan ka geystey wadaxaajoodka Heshiiska Cimilada ee Paris. Wuxuu si cad u naqdiyey dadka diida cimilada.

Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden ayaa Siyaasada arrimaha dibadda Mareykanka ayuu xushay inuu hogaamiyo nin rug caadaa ah oo horrey u la soo shaqeeyay maamulkii Madaxweyne Obama. Antony Blinken ayuu u magacaabay Xoghayihiisa arrimaha dibadda, isagok sidoo kale Jake Sullivan u magacaabay la taliyihiisa amniga Qaranka, halka Linda Thomas-Greenfield loo magacaabay Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Avril Haines, oo horrey u soo noqotay agaasime ku xigeenka hey’adda C.I.A-da sidoo kalena la shaqeysay maamulkii Madaxweyne Obama ayaa noqon doonta Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee C.I.A.

Madaxweyne Trump ayaa aqbalay in la billaabo hawlaha ku saabsan xil wareejinta inkastoo uusan wali si ramsi u shaacin in doorashada looga adkaaday. Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden waxaa uu dhisaya Golihiisa wasiiradda iyo xilalka kale ee muhiimka ah ee la Taliyeyaasha Aqalka Cad.