John Bolton oo loo magacaabay la taliyaha amniga Qaranka Mareykanka

880
John Bolton waa la taliyihii saddexaad oo loo magaacabo amniga Qaranka Mareykanka. Sawirka: AFP/ Getty Images

Madaxweyne Donald Trump ayaa La taliyihiisa amniga Qaranka u magacaabay John Bolton oo horrey u soo noqday danjiraha Mareykanka ee Qaramadda Midoobay isaga oo ku beddelay Jeneraal HR Mcmaster. Waxa uu sidoo kale la soo shaqeeyay Maamulkii Madaxweyne Bush. Trump ayaa La taliyihiisa cusub ee dhanka amniga ku magacaabay bartiisa Twitterka sidoo kalena uga mahadceliyay shaqadii uu qaranka u soo qabtay lataliyihiisa hadda shaqada ka tagaya Mcmaster.

Mr Bolton, oo taageeay in la weeraro Kuuriyada Waqooyi iyo Iiraan, ayaa u sheegay telefishinka  Fox News in shaqadiisuu ay noqon doonto in uu xaqiijiyo in Madaxweynuhu uu helo taalooyin kale duwan oo dhammaystirka.

Waxa uu noqonayaa latalihiyihii saddexaad ee uu yeesho Madaxweyne Trump muddo 14 billood ah.

Jeneraal Mcmaster ayaa ah qofkii ugu dambeeyay oo jago sare ka haya Aqalka Cad ee Mareykanka ee shaqada laga eryo.

Toddobaadkii hore, Madaxweyne Trump ayaa shaqada ka eryay wasiirkii arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson isaga oo Twitterka adeegsaday, waxa uuna ku beddelay madaxii laanta Sirdoonka CIA-da Mike Pompeo.

Magacaabista John Bolton ugama baahna Aqalka Senate-ka Mareykanka ansixin. Waxa uu shaqada la wareegayaa  9-ka bisha Abril.