Joe Biden oo gabar madow ah u doortay ku xigeenkiisa tartanka madaxnimada Mareykanka

564
Joe Biden oo gabar madow ah u doortay ku xigeenkiisa tartanka madaxnimada Mareykanka / BBC News

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka Joe Biden ayaa Kamala Harris oo ah gabar Madow ah u doortay in ay jagada Madaxweyne ku xigeenka u tartanto iyada oo ku wehlin doonta tartanka doorasho ee dalkaa ka dhacaya.

Joe Biden ayaa go’aankaan taariikhiga ku dhawaaqay maanta oo talaado ah, waxaana Kamala ay ahayd qofka ugu cadcad in ay ku guuleysato ku metalidda xisbiga Dimuqraadiga ah doorrashada soo socota. Waxaa jagadaan kula tartameysay la taliyihii hore ee amniga qaranka Susan Rice oo aad u dooneysay xilka Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka.

Horay ayuu Joe Biden ugu sheegay olalihiisa doorasho in uu xulan doono haweeney aan caddaan ahayn si ay ugu noqoto Madaxweyne ku xigeen haddii uu ku guuleysto tartanka.

Ms Harris oo 55 jir ah ayaa sidoo kalena sharci yaqaan ah ayaa waxa ay aad isaga horjeedaan madaxweyne Trump oo tartanka doorashada madaxtinimada dhinac uga jira.

Kamala Harris ayaa horay Joe Biden u gala tartanka noqoshada musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ah wallow aysan ahayn sida ninkii aadka ula loolamay Joe Biden ee Bernie Senders oon ku guuleysan taageeraha ergooyinka xisbiga Dimuqraadiga.