Joe Biden iyo Kamala Harris oo weerar ba’ an ku qaaday Trump

103
Joe Biden iyo Kamala Harris oo weerar ba' an ku qaaday Madaxweyne Trump. BBC News

Musharaxiinta Xisbiga Dimuqraadiga ee madaxweynaha iyo ku xigeenka Joe Biden iyo Kamala Harris ayaa weerar ku qaaday Madaxweynaha cabashada badan oo ay u la jeedaan Trump.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayay ku eedeeyeen in uu yahay mid karti daran oo Mareykanka uga tagi doona xaalad burbur ah.

Waa markii ugu horreysay oo ay si wadajir ah u qabtaan kulan ololaha doorashada Mareykanka, tan iyo intii uu musharaxa Xisbiga Madaxweynenimada xisbiga Dimuqraadiga ah Joe Biden u doortay Kamala Harris inay u noqoto Madaxweyne ku xigeen.

Kulanka oo ka dhacay Wilmington, Delware ayaan u furneyn dadweynaha sababo la xiriira cudurka Corona Virus. Wariyaal afka u xiranyahay ayaa ku wehlinayay musharaxiinta hallka. Dad gaaraya 75 ayaa dhinaca kale ku sugnaa bannaanka halka ay ka dhaceysay xafladdu.

Joe Biden oo 77 jir ah ayaa Trump ku tilmaamay mid catow badan oo ka baqaya haweeney xooggan. Waxa uu Joe Biden sheegay inay xulashadani tahay mid taariikhi ah doorashada bisha Novemberna ay go’ aamin doonto halka Mareykanku aadi doono waqti dheer.

SHARE