Xoghayaha Gashaandhigga dalka Maraykanka Jim Mattis ayaa waxaa uu aqalka cad ee magaalada Washington, ka sheegay yididiiladiisa ku aadan isla xisaabtan-ka ka jiro hay’adaha dowliga ah ee dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.
Jim Mattis, Xoghayaha Difaaca dalka Maraykanka, ayaa intaasi ku daray in xaaladaha Soomaaliya ay ka soo reynayaan, gaar ahaan qaabka loo qeybiyo gagaarka sida Raashinka iyo Shidaalka ee la siiyo ciidamada Soomaalida.
“ Waxaan hubaa in aan awoodno xakameynta waxa kana, xitaa haddii aanan dhammaan xakameyn Karin, qeyb ka mid ah” ayuu yiri xoghayaha Gaashaandhigga dowladda Maraykanka.
Mr. Matis, ayaa tilmaamay in madaxda cusub ee dowladda Soomaaliya ay mudan yihiin in la taageero.
Hadalka Jim Mattis, waxaa uu imaanayaa kadib markii dowladda Mareykanka dhowaan ay sheegtay inay joojisay saadkii ay sii jirtay ciidamada xoogga dalka sida raashiin, shidaal iyo hub.