
Jeffrey Feltman oo ah diblomaasi Rug cadaa ah ayaa loo magacaabay ergey gaarka ah Geeska Afrika Jimcihii u qaabilsan Mareykanka, iyada oo Washington ay dooneyso in ay dardar geliso dadaallada diblomaasiyadeed ee gobolka ay saameysay isku dhaca colaada Tigray ee Itoobiya iyo dhibaatooyinka kale.
Feltman wuxuu kaloo hogaamin doonaa dadaallada caalamiga ah ee wax looga qabanayo xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan iyo hareeraha biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam, xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay.
Dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigray, ee u dhexeeyey ciidanka Tigray iyo ciidamada dowladda ee ka socda labada dal ee Itoobiya iyo deriskeeda Ereteriya, waxaa ku dhintey kumanaan kun oo qof, boqolaal kun oo kalena waxa lagu qasbay in guryahoodii oo ku yaal gobolka in qiyaastii 5 milyan laga barakciyay.
Kadib markii uu xilal sare ka soo qabtay Waaxda Arrimaha Dibadda, Feltman wuxuu ahaa madaxa arrimaha siyaasadda ee Q.M. intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2018, shaqo gacan ka geysaneysa sameynta siyaasadda Qaramada Midoobay iyo kormeerka dadaallada dhexdhexaadinta ee Qaramada Midoobay.
Feltman wuxuu booqday Kuuriyada Woqooyi sanadkii 2017, waa sarkaalkii ugu sareeyay ee UN-ka ee booqda tan iyo 2011, isaga oo ku sifeeyay safarkiisa afarta maalmood “howlgalka ugu muhiimsan ee aan abid soo qabtay.”
Ka hor inta uusan ka shaqeyn Qaramada Midoobay, wuxuu ahaa kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Bariga Dhexe xilligii maamulkii Obama, ka horna wuxuu soo noqday safiirka Mareykanka ee Lubnaan, madaxa xafiiska kumeelgaarka ee isbahaysiga ee gobolka Irbil ee Ciraaq iyo sarkaal sare qunsuliyada guud ee Mareykanka ee Qudus.