Jawaari: Wixii Barri ka dhaca Xarunta Golaha Shacabka waxaa ka mas’uul ah Madaxwaynaha iyo R/wasaaraha

794

Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan oo galabta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay wada hadaladii uu waday Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu la kulmay isaga oo keliya, balse uusan kulan la yeelan xildhibaanada kale ee la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu gadaal ka riixayo, taasina ay keentay inuu burburo wada hadalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay  Maxamed Sheekh Cusmaan in Madaxweynaha uu ka dalbaday in isaga uu is casilo balse uu iska diiday, uuna u sheegay inuu sharci ku yimid, sharcina ku baxayo, cida baxeysana ay tahay Xukuumadda.

Wuxuu sheegay  in maalinta Barri oo Arbaco ah  xarunta Golaha Shacabka ay ku kulmi rabaan xildhibaanada Mooshinka wada, isagoo tilmaaamay in kulankaasi uu fasaxay Madaxweynaha oo uu sheegay inuu la saftay xildhibaanada Mooshinka wada.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay inuusan masuul ka aheyn wixii berri dhaca, waxna laga weydiin doono Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.