Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horaysay xaqiijiyay inuu iska casilay xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiye Jawaari ayaa BBC-da laanta afka Soomaaliga u sheegay in is casilaaddiisa ay ka dambeysay, ka dib markii uu u turay shacabka Soomaaliyeed, danaha guud ee dalka iyo inuu burbur galo Baarlamaanka.
“Waxaan idin xaqiijinayaa inaan iska casilay xilka Afhayeenka Baarlamaanka, waxaan u turay aayaha dalka iyo inuusan imaan khalalaase siyaasadeed oo fog, kaasi oo sababa in dalka uu galo burbur.” Ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.
Faah faahin dheeraad ah kama uusan bixinin sababaha uu isu casilay, hase ahaatee waxaa iska cad in cadaadiska uu Ku kordhay Jawaari ayadoo maanta baarlamaanka Soomaaliya lagu waday in mooshinka ka dhanka ahaa ay ka doodaan hase yeeshe la bajiyay kulanka ka dib markii la helay warka Ku Aadan iscasilaaddiisa.
Maalinka Arbacada ah ee soo aadan ayaa waxaa la filayaa in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu khudbad u jeediyo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo uu kaga hadlayo is casilaadiisa.