Jawaari oo la kulmay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

774

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulankaan la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii dowladda u sii dar dar gelin laheyd taageerada ay Baarlamaanka Soomaaliya siiso.

Sidoo kale kulanka waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiinta Hay’adda TIKA oo ah hay’adda dib u dhiska ku sameyneysa Xarunta ku meel gaarka ah  ah ee golaha shacabka.

Waxay aheyd 10-kii bishii Maarso ee sanadkan markii  heshiis ku saabsan dhismaha xarunta golaha shacabka ay kala saxiixdeen guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya,waxaana dhismaha xarunta uu socon doonaan mudo halsano ka yar.

Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay mar walba diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siineyso Soomaaliya.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la kulmay Sii hayaha Safiirka Mareykanka u fadhiya Somaliya oo ay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Siyaasadda Somaliya.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa uga mahad celiyay dowlada Turkiga iyo hay’adda TIKA sida ay mar walba u garab taaganyihiin golaha shacabka gaar ahaan dhismaha hada ay ku sameynayaan xarunta golaha shacabka.