Jawaari oo beeniyay in Ciidamo isaga taageersan maanta ay la wareegeen Xarunta Golaha Shacabka

1354
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo beeniyay inuu xoog kula wareegay dhismaha xarunta Golaha Shacabka (Sawir hore)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay wixii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in ciidamo taageersan ay qabsadeen xarunta, islamarkaana ay xildhibaanada ay  u diideen in galaan xarunta.

Waxaa uu sheegay in  loo diiday in uu xarunta ku taggo gaadiidkiisa, islamarkaana uu xarunta Golaha Shacabka ku tagay lug.

Jawaari ayaa beeniyay in ciidamo taageersan ay la wareegeen xarunta, waxaana uu sheegay in uu xarunta la galay tiro yar oo ka mid ah Ilaaladiisa.

Taliyeyaasha ciidamada ayuu ugu baaqay in aysan ku dhexmilan siyaasadda Wareersan sidda uu sheegay Gudoomiye Jawaari, Kali ah ay wax ka qabtaan Howlaha Amniga.

Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu maanta la wareegay Guud ahaan xarunta Golaha Shacabka islamarkaana ay qabsadeen ciidamo taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaasi oo maanta lagu waday inuu wajaho Mooshinka laga keenay.