Jawaari: Ciidamo cusub oo aan ka war-haynin ayaa la wareegay Xarunta Golaha Shacabka

781

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Ferderaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay Ciidamada gelinkii dambe ee maanta la wareegay xarunta Golaha Shacabka.

Xarunta Golaha Shacabka waxaa ammaankeeda horey u ilaalin jiray Ciidamo Boolis ah oo tiro ahaan gaaraya 114, oo uu ka warhayo Guddoonka Golaha Shacabka, kuwaasi oo Miisaaniyad gaar ah lagu siiyo.

Guddoomiye Jawaari ayaa waxa uu sheegay in galabta la qaaday Ciidankii oo dhan lana keenay Ciidamo cusub, iyada oo uu sheegay inaan lagu soo wargelin.

Wuxuu sheegay falkan in ay ka dambeyso Xukuumadda, wuxuuna tilmaamay wixii dhibaato ah ee arrintan ka dhasha in wax laga weydiin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kahyre.

Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ayuu ugu baaqay in ay bad baadiyaan xarunta Golaha Shacabka, maadaama ay tahay xaruntooda oo ay ku shiraan.

Beesha Caalamka, Culimada iyo ururada Bulshada Rayidka ayuu ka dalbaday in arrintan ay la socdaan, ayna ka soo qeyb galaan kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, si ay u arkaan xaalada jirta.

Dhinaca kale Guddoomiye Jawaari ayaa soo hadal qaaday Mooshinka laga gudbiyay, wuxuuna sheegay in kulamada Baarlamaanka uusan shir guddoomin doonin ilaa ay ka dhamaato xiisada taagan, uuna diyaar u yahay in sida sharciga ah loo maro Mooshinka laga keenay.

Wuxuu kaloo sheegay Mooshinkan inuu yimid kadib markii uu diiday inuu saxiixo heshiisyo ay u baahneyd Xukuumadda oo ka hor imaanaya amaanada iyo sharciga, taasi wixii ka dambeeyayna uu dareemay culeesaad dhanka Xukuumadda ah.