Japan: Xaalad deg-deg ah oo la filayo in lagu dhawaaqo Fayraska Corona awgiis

583

Dowladda Japan ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah oo dalka ah Fayraska Korona awgiis.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa la hadli doona khubarada goor dambe oo maant ah galabta.

Xaalad deg-deg ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo kulankaas ka dib.

Japan waxa hadda uu marayaa cudurka Corona 3,600 kiis iyo 85 dhimasho.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa ku jira cisbitaal kadib markii uu soo ritay ‘cudurka Corona’ Warka ayaa yimid waxyar un kadib markay boqoraddu lahadashay dadweynaha.

Kiisaska cudurka Corona ee gobolka New York ee dalka Mareykanka – oo ah xudunta u ah faafitaanka Fayraska ee Mareykanka – ayaa hoos u dhacay markii ugu horeysay.

Shir jaraa’id uu Aqalka Cad ku qabtay madaxweyne Donald Trump ayuu sheegay “waxaan u aragnaa iftiin dhamaadka dariiqa” Laakiin 1,200 oo qof oo qaba fayraska Mareykanka ayaa u dhintey 24-kii saac ee la soo dhaafay Dhakhaatiirta ayaa ka digay in isbuuc kale oo adag ku soo fooleeyahay.