Dowladda Japan ayaa cadaadis caalami ah kala kulmaysa in ay dib u dhigto ama baajiso ciyaaraha Olabimada ee 2020 oo ay marti gelinayso.
Canada ayaa ku dhawaaqday inaysan u diri doonin kooxaha ciyaaraha olambikada 2020 iyo Paralympic ee dalka Japan.
Goor sii horeysay, Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in dib u dhigista ciyaaraha Olambikada “ay noqon karto lama huraan”
Xildhibaanada Baarlamaanka Ingiriiska (UK) ayaa dood ka yeelanaya sharci deg deg ah oo Booliiska awood badan siinaya 281 qof ayaa Ingiriiska ugu dhintay Fayraska Korona, iyadoo guud ahaan 5,683 kiisaska Korona la soo wariyay UK dhexdeeda.
New Zealand ayaa sheegtay in ay bilaabi doonto xiritaanka adeegyada aan muhiimka ahayn usbuucan.
Dowladda Australia waxay horey u xirtay baararka, goobana lagu caweeyo, xarumaha lagu jimicsado iyo goobaha cibaadada.
Fayraska Korona oo dunida qalalaase caafimaad iyo mid dhaqaale ka abuuray ayaa dalalka hadda ugu daran uu aad ka u sameeyay waxaa ka mid ah Talyaaniga iyo Shiinaha uu markii hore ka dilaacay.
Dunida oo dhan waxaa la xiray meelaha dadweynaha ay isugu yimaadaan ama ku kulmaan, sida masaajidada, Iskuulada, Jaamacaddaha, goobaha lagu cawweyo iyo suuqyada waa wayn ee laga tukaamaysto si loo yareeyo khatarta iyo faafitaanka fayraska Korona.