Janaraal Odawaa oo kormeer ku tagay xarumaha ciidanka xoogga dalka ee Galmudug

176

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage oo safar ku maraya xarumaha Ciidanka Xoogga dalka ee Deegaanada dowlad Goboleedka ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado, isagoo kormeer ugu tagey Ciidamada Dhulka Xoogga dalka ee fadhigoodu yahay Xerada General “Kaanti” ee duleedka Cadaado .

Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliye Odawaa saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Genaral Saalax Yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaane Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad , cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga isagoo salaan sharaf ka qaatay, waxaana intaa kadib soo dhoweyn u sameeyay Maamulka Degmada Cadaado oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Cabdullahi Cabdiraxmaan Tootoole .

Magaalada Cadaado ayaa ka mid ah meelaha xarumaha ugu waaweyn ee Qaybta 21-aad iyadoo fadhiisin u ah Guutada 13-aad Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka.

 

SHARE