James Swan oo loo magaacabay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

936

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa u magacaabay James Swan oo Mareykanka u dhashay inuu noqdo ergeyga gaar ah ee u qaabilsan Soomaaliya iyo sidoo kalena inuu hoggaamiyo xaafiiska hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

James Swan oo ah diblomaasi rugcaad ah ayaa aqoon gaar ah oo diblomaasiyadeed u leh arrimaha Afrika,isagoo muddo ka soo shaqeeyay dhawr waddan oo Afrika ah.

Waxa uu horrey u soo noqday danjiraha Mareykanka ee dalalka Congo iyo Jabuuti. Waxa kale uu soo noqday wakiilka gaar ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya intii u dhaxeysay 2011-2013. Mr. Swan ayaa beddelaya Nicholas Haysom oo bishii Janaayo ee sanadkaan dowladda Federaalka Soomaaliya dalka ka erisay.

Waa diblomaasigii ugu horyeeyay oo Mareykanka u dhashay oo loo magaacabo wakiilka Xoghayaha Guud u qaabilsan arrimaha Soomaliya.