James Swan oo Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland

620
James Swan Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Photo: UNSOM

Muqdisho – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna madaxa xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM James Swan ayaa magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, arrimaha bini aadanimada, xaquuqul insaanka iyo amniga ee Somaliland.

Intii kulanka socday ayaa sidoo kale looga hadlay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo dhawrkii sanno ee u dambeeyay hakad ku jira.

James Swan Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ka hadlayay arrimaha ku saabsan wadahadalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay in ay jiraan meel badan oo laga wada shaqeyn karo si kor loogu qaado ammaanka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta dadka.

“Waxaan aaminsanahay in ay jiraan meelo badan oo laga wada shaqeyn karo si kor loogu qaado ammaanka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta dadka.”ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo maanta warbaahinta kala hadlay tilaabooyinka lagu dhisi karo kalsoonida iyo wadahadalka u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho.