Mogadishu (UM) – Dibloomaasiyiin sarsare iyo hawl wadeeno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa ugu sir waramay Ummadda Media in wasaaradda uu ka jiro jahawareer iyo nidaam
la,aan baahsan.
Wasaaradda oo ka mid ah hey’adaha ugu sarreeya dawladda ayaan laheyn koronto iyo internet tan iyo todobaadkii la soo dhaafay sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Koronto iyo qad la,aanta dhanka interntka ah darteed ayaa keentay in shaqaalihii inta badan aysan soo xaadirin.
Xaaladda wasaaradda ayaa ah ceeb iyo waji gabax aan loo dulqaadan karin. “Waad is ceebsaneysaa in halkaan aad ka shaqeeyso maxaa yeelay malahan hoggaan leh aragti iyo shaqo maalmeed laqabto” sidaas waxaa yiri diblomaasi aan dooneeyn in la sheego magaciisa oo intaa sii raaciyay, “waxaan ku noolnahay xaalad shaqaalaha safaaraduhu qarkood heleen mushaaraadkooda, halka qaar kalena aysanba qaadan wax mushaar ah ilaa iyo lix bilood.
Saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku cabtay in sadaxda wasiir ee ku shaqada leh wasaaradda sida wasiirka arrimaha dibadda, wasiiru dawlaha iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibaddaba aysan dalka joogin oo ay mar kasta dibadda ku maqanyihiin.
“Waligeey sadaxdaan masuul oo kale kuma arkin wasaaradda. Sadaxdaba waxay u tartamayaan in ay aadaan safaro dibadeed, xitaa iyaga oon heysan casuumad rasmi ah wxay aadaan meelo kala duwan sida Nairobi, mana siiyaan hawl wadeenada wasaraadda xog ku saabsan booqashooyinkooda, sidaas waxaa yiri maamule waxeed careeysan oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, isagoo intaa sii raaciyey “wasiiradu shaqada waxay u heystaan in fasax iyo tamashle la tago oo kale, ma oga in dadka Soomaaliyeed ay bixinayaan qarashka ay ku bixiyaan safaradda dibadda, laakiin aysan dadka Soomaaliyeed waxba uga soo noqoneeyn oo aysan ka faaiideyn safaradaas dibadda, sidaas waxaa yiri shaqaale kale oo ka careysan.
Dhammaan hawlwadeenadda ka tirsan wasaaradda oo ay wareysatay Ummadda Media ayaa qiray in wasaaradoodu ay lumineyso sumcadii ay lahayd sabab la xiriirta hoggaan xumiddda ka jirta darteed. Sidoo kale waxay isku raaceen in heydaha kale ee dawladda ay gacan dhaaf ku sameynayaan wasaaradda arrimaha dibadda. “Shaqadii wasaraadda waxaa qabta xafiisyada kale halka innagu aan iska dhinac taaganahay aan iskadaawaneeyno”, danjire hore oo ka xanaaqsan in shaqadooda loo gacan dhaafy ayaa si carro ku dheehanathay uga falceliyay gacanka dhaafka xafiisyada
kale.
“Markaan la sheekeeysto danjirayaasha shisheeye ee dalka jooga waxaa ayaan darro ah in ay ogyihiin wax ka socda wasaaradda in ka badan intaan ognahay. Tani waxay ceeb ku tahay innaga iyo wasaaradeena oo wasiiradeedu ay ku mashquulsanyihiin in ay safraan halkii ay sixi lahaayeen hab maamuuska diplomaasiyadeed kaas oo muhiim u ah la macaamilmka adduunyada kale” Sidaas waxaa yiri danjire hore.
Wararka tilmaamaya in wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo ra’iisul wasaaraha aysan isku fiicneyn ayaa aad la iskula dhex marayaa goobaha siyaasadda lau falanqeeyo ee Muqdisho. Inta badan dadka aan wareysanay waxay qabaan in ra’iisul wasaaruhu uu shaqada ka eryo wasiirka iyo dhammaan hawl wadeenada wasaarada waxqabad xumo darteed.
“Wasiiradaan waa dhibaato heysata wasaaradda arrimaha dibadda.Waxaan jeclaan lahaa in dhammaantood shaqada laga eryo”. Shaqaale ka tirsan wasaaradda ayaa sidaas aaminsan, waxaana ku raacay dhammaan shaqaalaha kale ee ka tirsan wasaaradda.