Jadwalka soo xulista Xildhibaannadda Galmudug oo la shaaciyay

640

Dhuusamareeb – Guddiga Farsamada iyo Maamul u dhisida dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka waqtiga la qabanayo soo xulista Xildhibaannadda maamulka Galmudug iyo Guddoonka Baarlamaanka.

25 bisha oo maanta ku beegan ayaa waxaa bilaanaya xaqiijinta Ergada soo xulaysa Xildhibaannada Galmudug iyadoo 29 bishana soo xulista Xildhibaannadda ay dhacayso.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa laga dhigay 17 bisha December.

Lama oga in waqtiga iyo jadwalka Guddiga doorashooyinka uu shaaciyay ay ku qabasoomi doonto doorashooyinka Xildhibaannadda iyo tan Madaxweynaha.

Hoos ka Daawo shirka jaraa’id ee Guddiga: