Jacob Zuma oo Dacwado lagu soo oogayo

701
Madaxwaynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma (Xuquuqda Sawirka Siphiwe Sibeko/Reuters]

Dacwad oogaha dalka Koonfur Afrika Shaun Abrahams, ayaa shaaca ka qaaday in madaxwaynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma uu dacwad Ku soo oogi doono.

Jacob Zuma, madaxwaynihii hore ee dalka Koonfur Afrika oo dhowaan xilka iska casilay ayaa waxaa uu wajahayaa eedaymo badan oo la xiriira Musuqmaasuq, Lunsasho Hanti iyo eedaymo kale oo gaaraya 16.

Eedaymaha la xiriira dhanka Musuqa oo Mr Zuma, loo haysto ayaa dhacay sanadkii 1990-kii xilligaasi oo uu Ku lug lahaa heshiis Ku kacayay Adduun lacageed oo gaaraya $2.5bn oo Doolarka Maraykanka ah.

Zuma, ayaa sanadkii 2005-tii waxaa markii ugu horaysay lagu soo oogay dacwad  la xiriirta wax isdaba Marin, xiligaasi oo xabsiga loo taxaabay la taliyihiisii dhanka Dhaqaalaha.