Jabuuti iyo Eritrea oo gaaray heshiis horudhac ah

869

Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea ayaa wada gaaray heshiis hordhac ah oo loogu gogol xaarayo xal ka gaarista colaad tan iyo sannadkii 2008 labadaas dal ka dhex aloosnayn, kana kacday markeedii hore muran dhinaca xuduudaha ah.

Yemane Gebremeskal oo ah Wasiirka Warfaafinta ee dalka Eritrea, ayaa qoraal uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in Dowladda Jabuuti, gaar ahaan Madaxweyne Geelle muujiyey sida ay uga go’an tahay in xal waara laga garo khilaafka jira si dib loogu soo nooleeyo xiriirka labada dal.

Is-affgaradka labada dal ayaa yimid kadib kulan gaar ah oo ay madaxtooyada Jabuuti shalay ku yeesheen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cismaan Saalax oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea.

Magaalada Jabuuti waxaa isla shalay oo Khamiis ahayd gaarey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmad Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Workneh Gebeyehu iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Cismaan Saalax Maxamed.

Safarkan ayaa yimid kaddib kulan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ku yeesheen magaalada Asmara.

Madaxda saddexdaas dal ayaa isla soo qaaday arrimo ay kamid tahay sidii loo dhex dhexaadin lahaa islamarkaana loo soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Labadan dal ayaan lahayn wax xiriir diblumaasiyadeed ah tan iyo sannadkii 2008, markaas oo muran dhanka xuduudka ka kacay markii dambese sababay in ciidamda labada dal isku dhacaan uu soo kala dhex galay xukuumadaha Jabuuti iyo Asmara.