Jaamacadda Carabta: Dowladda Federaalka ayaa ka mas’uul ah Xuduudaha dhulka, cirka iyo badda Soomaaliya

1060

https://youtu.be/8K-9iMWXecI?t=33s

Kal fadhiga wasiiradda arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ee Magaaladda Qaahira ayaa looga hadlay ajandeyaal ay ka kamid tahay qoraal Dowladda Soomaaliya u gudbisay ururka jaamacadda carabta kuna saabsan heshiiska ay sheegtay dowladda Soomaaliya inuu yahay sharci darro ee dekadda Barbara madaama aanay waxba kala socon dowladda Federalka Soomaaliya sida uu isbucii la soo dhaafay xaqiijiyay R/wasaare Kheyre

Jaamacada Carabta ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay iney taageersan tahay howlgalada ay Somalia ka wadaan ciidamada Midowga Afrika ee dowlada federaalka ka taageeraya dhinaca soo celinta nabada & xasiloonida Soomaliya isla markaasna ay soo dhaweynayaan wadahadaladda lagu wado inay dhex maraan dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland

Waxaa sidoo kale qodobadii ka soo baxay ururka jaamacadda carabta lagu sheegay in “Xuduudaha Dhulka, cirka iyo badda Somalia waxaa ka masuul ah dowlada federaalka, Ururka Jaamacada Carabtuna wuxuu ka digaya in fara gelin lagu sameeyo arrimaha Somalia nooc kasta oo ay tahay” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Jaamacadda Carabta.

Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa go’aan cad ka qaadatay heshiiska Sadax geesoodka ahaa ee ay Shirkadda DP-World, Itoobiya iyo Somaliland wada galeen, iyadoo ku tilmaantay inuu yahay sharci darro isla markaasna meel ka dhac ku ah Qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya.