Itoobiya: Xisbiga Talada haya oo Guddoomiye doortay

843

Wararka laga helayo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in Xisbiga Isbahaysiga ah ee talada dalkaasi haya ay doorteen Guddoomiye cusub.

Waxaa wararku waxaa ay sheegayaan in Xisbiga uu guddoomiye u doortay Abiy Ahmed, oo ah nin ka soo jeeda Qowmiyadda ugu tirada badan dalkaasi Itoobiya ee Oromada.

Abiy Ahmed ayaa waxaa uu badali doonaa ra’iisul wasaarahii bishii Febraayo iscasilay ee Hailemariam Desalegn, kaasi oo iska casilay xilalka guddoomiya Xisbiga talada haya (EPRDF) iyo mid ra’iisul wasaaranimo.

Mid ka mid ah warbaahinta gudaha dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Addis Standard, ayaa waxaa uu Ku waramay in Mr Axmed uu Ku guulaystay codad gaaraya 108 cod ka dib doorashada Xisbiga ee ka dhacday magaalada Addis Ababa.

Abiy Axmed ayaa noqon doona hogaamiyihii ama ra’iisul wasaarahii ugu horeeyay taariikhda dalka Itoobiya ee ka soo jeeda qowmiyadda Oromada, ama haddii si kale loo dhigo waxaa uu noqon doonaa ra’iisul wasaarahii ugu horeeyay oo Muslim ah.