
Itoobiya ayaa Sabtidii qirtay in ay ka dambeysay toogashadii diyaarad si gaar ah loo leeyahay oo Kenya ay lahahd gudaha Soomaaliya horaantii todobaadkan, taasoo sababtay dhimashada lix qof ee saarnaa diyaaradda.
Diyaaradda ayaa la sheegay in ay dhacday Isniintii markii ay ciidamada Itoobiya ee ilaaliya xero ku taal magaalada Bardaale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, ay ciidamada Itoobiya ku sheegeen qoraal ay u soo saareen ciidanka Itoobiya oo loo dirah Midowga Afrika (AU).
Diyaaradda ayaa sidday gargaar bani’aadamnimo iyo agab caafimaad si ay waddanka uga caawiso la-dagaallanka faafitaanka coronavirus-ka markii ay ku dhacday garoonka Bardaale, oo qiyaastii 300 kilimitir (180 mayl) waqooyi-galbeed ka xigta caasimadda Muqdisho.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in askarta Itoobiya ay si qalad ah u rumeysnaayeen in diyaaradda ay ku jirtay “hawlgal ismiidaamin ah” maxaa yeelay laguma soo wargelin “duullimaad aan caadi ahayn” diyaaradduna waxa ay ku socotay jawi hoose, ayaa lagu yiri qoraalka.
“Xiriir la’aan iyo wacyigelin la’aan awgeed, ayaa diyaaradda loo toogtay,” ayuu yiri millatariga Itoobiya. “Dhacdada… waxay u baahantahay koox iskaashi baaris wada sameysa oo ka kala socota Soomaaliya, Ethiopia iyo Kenya si loo sii fahmo runta.”
Diyaarada ayaa waxaa la hayd shirkadda diyaaraha ee African Express Airways oo laga leeyahay dalka Kenya.