Itoobiya oo ka hadashay khariidaddii muranka dhalisay ee Soomaaliya loogu daray dalkeeda

727

Wasaaradda arrimaha dibada ee wadanka Itoobiya ayaa war ka soo saartay Sawir khariidadeed muujiaya Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu isku darayn, kaasi oo lagu daabacay bogga wasaaradda maanta.

Wasaaradda waxay sheegeentay inay markiiba ka sarreen Sawirka khariidada, waxay sii raacisay in kooxdada farsamada IT ay Baarayaan arrintaasi

“Waxaanu ka shaleyneynaa jah-wareerka iyo fahamka khaldan ee ay arrintan dhalisay,” Ayey wasaaradu qoraalkeeda ku sheegtay

Sawirka khariidada Afrika ee lagu daabacay bogga Wasaaradda ayaa muujinayay Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya oo lagu isku daray iyo sidoo kale Koonfurta iyo waqooyiga Suudaan oo iyana la isku daray.

Qoraalkan ayaa u muuqday mid ay dowladda Itoobiya ku sheegeyso inay ka xuntahay dhacdadaas, balse ma aha mid lagu xusay raalli galin rasmi ah.

Sidoo kale laguma xusin macluumaadka dhabta ah ee laga dheehanayay sawirka, arrintaasoo ahayd tii carada dhalisay, lamana soo hadal qaadin in Khariidadda ay muujineysay Itoobiya iyo Soomaaliya oo la isku daray, lagana dhigay Itoobiya oo kaliya.

Sawirka muranka dhaliyay, oo ilaa iminka aysan ka hadlin dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa durba laga saaray bogga wasaaradda, kadib markii qeylo dhaan la xiriirta ay cirka isku shareertay.

Waxaase xusid mudan in khariidadda Soomaaliya ee Itoobiya la raaciyay laga reebay dhinaca Waqooyi, halkaasoo ay ka arrimiso jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Khariidadan ayaa dood ka dhalisay baraha bulshada ee facebooga iyo twitterka ee Soomaalidu ku xiriirto, iyadoo dadku ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen Khariidadaasi.