Itoobiya oo ka carootay hadalkii Trump ee burburinta biyo xireenka

75
Itoobiya oo ka carootay hadalkii Trump ee burburinta biyo xireenka. AP

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya aysan marnaba aqbali doonin gardarro  nuucey doonto ha ahaate oo looga gol leeyahay in Itoobiya ka tanaasusho xuquuqdeeda.

Hadalkaan ayaa yimid kaddib markii Madaxweyne Trump uu si maldahan  u sheegay in  Masar laga yaabo in ay burburiso biyo xireenka Itoobiya ay dhiseyso. Biyo xireenka ayaa muran ka dhex dhaliyay Itoobiya, Masar iyo Suudaan.

Madaxweyne Trump ayaa tilmaamay in Masar aysan awoodin in ay la noolaato biyo xireenka ayna suurogal tahay inay qarxiso.

Dhanka kale dawladda Itoobiya ayaa si weyn uga hortimid Maraykanka iyada oo u aragta Maraykanku in uu la jiro ama ku dhinac yahay Masar.

Maraykanka ayaa bishii September ka goostay Itoobiya qayb ka mid ah kaalmadii ay siin jireen kaddib markii ay Itoobiya si iskeed ah u bilowday inay buuxiso biyo xireenka.

Sabtigii wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa u yeeray safiirka Maraykanka ee Itoobiya si uu caddeeyo hadalka Madaxweyne Trump ee ku aaddan biyo xireenka Itoobiya ee Trump uu sheegay in laga yaabo in Masar ay burburiso.

SHARE