Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa Sahle-Work Zewde oo ah haweeney markii ugu horresay u doortay Madaxweynaha dalka.
Labada Aqal ee kala ah Golaha wakiilka Shacabka iyo Aqalka Fedeaalka ayaa si wadajir ah u doortay Sahle- Work Zewde.
Zewde oo ah diblomaasi hore oo rugcaadaa ah, ayaa soo noqotay wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxa xaafiiska Qaramada Midoobay ee Midowga Afrika.
Waxa ay beddelaysaa Mulatu Teshome iyadoo ka hoos shaqayn doonto Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, kaasi oo leh awoodda ugu sarreysa ee dalka, oo ay ka ku jirto taliska guud ee ciidamada qalabka sida.
Ms, Zewde ayaa sidoo kale jagooyin kale duwan ka soo qabatay Qaramada Midoobay, iyadoo madaxa Xaafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Kenya soo noqotay, sidoo kalena ka soo noqotay danjiraha Itoobiya dalal ay ka mid yihiin Faransiiska, Djibouti iyo Senegal.
Bartamihii bishaan October, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa magacaabay kolahiisa Wasiiradda oo ka kooban 20 kuwaasi oo inta badan dumar loo magacaabay.
Waxaa ka mid ah Aisha Mohammed oo loo magacaabay Wasiiradda Nabada taasi oo la hoos geeyay talisyada booliiska iyo Hey’ada sirdoonka .