Itoobiya oo fashilisay weerar ka dhan ah safaaradda Imaaraadka ee Addis Ababa

682
An undated photo shows the flag of the United Arab Emirates (UAE) hanging from a pole on a front door of a building. (Shutterstock)

Dowladda Itoobiya ayaa xirtay dad gaaraya 15 qof kuwaas oo lagu eedeeyay inay maleegayeen weeraro  lagu qaado safaaradda Imaaraadka ee magaalada Addis Ababa.

Wakaaladda wararka Itoobiya oo soo xiganeysa saraakiil sirdoon ah ayaa warkaas soo warisay iyada oo intaa ku dartay in kooxda weerarka qorsheeneysay ay dusha ka hagayaan dad ajnabi ah.

Hub aan tiradiisa la sheegin, walxaha qarxa iyo dukumiintiyo ayay sheegtay wakaaladda wararka Itoobiya in lagu qabtay hawlgalka ay fuliyeen hey’adaha
amniga Itoobiya.

Qaar ka mid ah xubnaha weerarka qorsheynayay ayaa lacag kaash ah ka helay maalgaliyaashooda, halka horjoogaha hoggaamin lahaa hawlgalka lagu xiray dalka Sweden.

Wakaaladda wararka Itoobiya ayaa warisay in kooxda weerarka maleegeysay ay  hawsha u qabanayeen koox argagixiso caalami ah iyaga oo ujeedkoodu ahaa inay geystaan khasaaro nafeed iyo mid hantiyeedba.

Koox kale oo labaad ayay wakaaladda wararka Itoobiya sheegtay inay qorsheynayeen weeraro lagu qaado safaaradda Imaaraadka ee dalka Suudaan.

Sirdoonka Itoobiya ayaa dhigooda Suudaan kala shaqeynaya nuuca uu yahay shirqoolka sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Itoobiya.

Dhanka kale dawladda Suudaan iyo Imaaraadka ayaan war ka soo saarin warka ka soo baxay Itoobiya.

Kooxda la qabtay ee 15ka ah ayaa lagu arkay meel u dhow safaaradda Imaaraadka ee Addis Ababa sida ay sheegtay wakaaladda wararka Itoobiya EPA.