Itoobiya oo bilaabeysa wajigii ugu dambeeyay ee hawlgalka Ismaamulka Tigreega

376
Itoobiya oo bilaabeysa wajigii ugu dambeeyay ee hawlgalka Ismaamulka Tigreega sida uu sheegay Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed: Reuters

Addis Ababa – Ciidanka Itoobiya ayaa bilaabaya wajigii ugu dambeeyay hawlgalka Ismaamulka Tigreega kaddib markii ay dhammaatay 72 saac ee loo qabtay in ay isku soo dhiibaan ciidanka Tigreega.

Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed ayaa qoraal uu soo saaaray ku sheegay in  72 saac ee loo qabtay kooxda dambiilyaasha ah oo ula jeeday TPLF ay dhammaatay, ciidankeenuna waxay bilaabayaan wajigii ugu dambeeyay ee hawgalka sharci fulinta.

Abiy ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ciidanka la amray inay ku dhaqaaqaan magaalada Makalle ee xarunta Tigreega, isaga oo shacabka ugu digay inay guryahooda joogaan.

Hadalka Ra’ iisul Wasaaraha ayaa ka dhigan in hadda taangiyada iyo hubka kale ee dowladda ay ku dhawaan karaan magaalada Makale oo ay ku noolyihiin nus malyuun ruux.

Dowladda Itoobiya ayaa ku goodisay inaan wax naxariis ah loo gali doonin cidna haddii aysan shacabka ka tagin masuuliyiinta maamulka Tigreega inta goori goor tahay. Dhanka kale dowladda ayaa sheegtay inay shacabka badbaadin doonaan.

Warka ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Abiy waxaa kale oo lagu sheegay in 72 saac ee ugu dambeeyay ay isa soo dhiibeen kumaanaan ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Tigreega iyo malayshiyaad tigreega ah.

Si dhab ah looma xaqiijin karo warkaas maadaama ay adagtahay in la galo goobaha dagaalka ka socdo. Sidoo kale isgaarsiinta ayaa go’an tan iyo intii uu dagaalku bilowday 4dii bishii November.

SHARE