Madaxweynaha dowlad degaanka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa iscasilay kaddib dhawr maalmood oo ismariwaa siyaasadeed oo u dhexeeyay maamulka uu hogaaamiyo iyo dowladda Federaalka Itoobiya.
Wararka ayaa sheegaya in si ku meel gaar ah madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya loogu magacaabay Axmed Cabdi Maxamed Ilkacase oo ahaa wasiirkii Maaliyadda ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Waxaa maalmhii la soo dhaafay ka jiraa dhulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya bannaanbaxyo rashada wata oo dad rayid ah ay ku dhinteen iyadoo sidoo kalena ay dagaal dhexmareen Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
Ciidamada militariga Federaalka Itoobiya ayaa maalmo ka hor la geeyay xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo magaalooyin kale.