Waxaa soo baxaya warar sheegaya in la xiray Korneel Gebregziabher Alemseged Abraha oo aad Soomaaliya looga yaqaano ‘Gabre’ xilli la sheegay uu ku dhuumaaleysanayey daafaha caasimadda Addis Ababa sida ay tabisay Talefeeshinka ESAT.
Waxaa sidoo kale xaqiijiyey warka xiritaanka Korneel Gabre Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka isagoo yiri ““Waa war wanaagsan in kolonaylkii caanka ahaa ee Gebre lagu xiray Itoobiya. Waa nin muddo fog ku lug lahaa faro-gelinta iyo arbashaadda Soomaaliya. Xarigiisa waxa uu muujinayaa in Itoobiya ay ka go’an tahay xasiloonida Geeska Afrika” ayuu yiri Cabdinuur.”
https://twitter.com/AbdinurMA/status/1063448634526711809
Sida taleefishinka uu baahiyey, Gebre ayaa loo haystaa eedeymo ay ka mid yihiin inuu ku lug lahaa rabshado ka dhacay gobolka Soomaalida Itoobiya iyo inuu hub ka iibiyey kooxo ku sugan gudaha dalka Soomaaliy isla markaasna uu ku lug lahaa fal dambiyeedyo.
Korneel Gebregziabher Abraha ayay laga ergyay xilkii uu Itoobiya ugu metelayey urur goboleedka IGAD dhowr bilood ka hor, midaas oo horseeday inuu dib ugu laabto dalkiisa Itoobiya.
Gebregziabher Abraha ayaa lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa tacadiyadii ay ciidamada itoobiya ka geysteen Soomaaliya kadib markii ay xaduuda ka soo talabeen sannadkii 2009, iyadoo tacadiyadii ugu weynaa ee ciidamada itoobiyaanka ee uu hogaankeeda ka mid ahaa Gabre ka geysteen Caasimadda Muqdisho.
Korneyl Gabre ayaa sidoo kale aad loogu xasuustaa ku dhex milmidda uu aad uu dhex galay siyaasadda Soomaaliya.


























