Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki ayaa kala saxiixday heshiis wadajir ah oo ku salaysan nabadda iyo xiriir saaxibtinimo, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta dalka Eritrea.
Wasiirka waxaa uu sheegay in heshiis ay qeyb ka tahay sidii looga shaqeyn lahaa Maalgashigga Itoobiya iyo sidoo kale Eritria.
Heshiiska ayaa lagu xusay inuu soo afjarmay dagaalkii uu dhexeeyay labada dal sidda uu sheegay Wasiirku.
Dhanka kale Qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika ayaa soo dhaweeyay kulankii ay yeesheen Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea.
Muddo tobbonaan sanno ah ayaa colaad dhanka xadka ah ay ka dhexeeysay labada dal.
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa barta uu Twitter-ka u leeyahay ku ammaanay geesinimada ay muujiyeen labada hoggaamiye.
We salute the leaders ,PM of Ethiopia Dr.Abiy Ahmed and President Isaias Afewerki of Eritrea for their courage and doing the right thing for their people of the two countries !
We congratulate you and are with you….! pic.twitter.com/iPLSs1AxHk— Paul Kagame (@PaulKagame) July 8, 2018
Dhanka kalena war goor dhow soo dhacay waxaa uu sheegayaa in shirkadda Diyaaradaha dalka Itoobiya ee Ethiopian Airlines ay 20%-kiiba ay iibsan doonto shirkadda Diyaaradaha dalka Eritrea ee (Eritrean Airlines) sida ay Ku waramayso warbaahinta gudaha oo soo xiganaysa war qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda Diyaaradaha dalka Itoobiya.
https://twitter.com/addisstandard/status/1016328129722441728?s=19
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo maanta gaaray magaalada Addis Ababa ayaa soo dhoweeyay heshiiska ay gaareen hoggaamiyaasha dalalka Eritrea iyo Itoobiya.
Happy to be back in Addis Ababa for the African Union United Nations Annual Conference. We are working together more frequently and fruitfully than ever, in a spirit of mutual respect and support. #UN–#AU #enhancedpartnership @UNOAU_ pic.twitter.com/ug3Co07YQg
— António Guterres (@antonioguterres) July 9, 2018