Itoobiya dhaqan-galinaysa heshiiskii Nabadda Eriteria

838

Dowladda wadaaga ah ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay si dhamaystiran u aqbashay oo ay hirgelinayso heshiiskii nabada ee lagu dhamaynayay dagaalkii xuduuda Ereteria.

Itoobiya waxay kaloo ay ogolaatay natiijadii ka soo baxday gudigii loo saaray calaamadaynta xuduudii la isku hayay laga soo bilaabo sanadii 2002-dii.

Gudigaasi ayaa Ereteriya u calaamadeeyey deegaano ay ka mid tahay Badme.

Arinkani ayaa soo afjaraysay ismariwaagii ka dhaxeeyey Itoobiya iyo Ereteriyan, dagaalkaasoo noqday dagaalkii ugu dhimashada badnaa Afrika ee 1998-dii.

Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi oo socday mudo labo sano ah.