Isticmaalka Miisaaniyadda dowladda oo si rasmi ah loo daahfuray

640

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta si ramsi ah loo furay isticmaalka Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2019.

Munaasanadda lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan iyo sida loo kala qoondeeyay iyo sida ay uga badan tahay Miisaaniyaddii sanadkii tagay ee 2018ka.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo daahfuray isticmaalka Miisaaniyadda dowladda ayaa sheegay in
Misaaniyadda dowladda ee sanadkaan ay ka sarreyso marka loo eego sanadihii aan ka soo dhaafay ee 2016/2017 iyo 2018.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaasi ay ku timid dadaal xukuumaddu samaysay iyo dhaqliga gudaha oo horumar sameeyay.

” Mar walbo oo aan dadaal dheeri ah muujino waxaan gaareyna meel ka sii sareysa halka aan ku wajahanahay”. Ayuu yiri wasiir Beyle.

Munaasanadda lagu daahfurayay isticmaalka Miisaaniyadda dowladda ayaa waxa ka qeybgalay Hanti Dhawraha Qaranka, mas’uuliyiin ka socday Xukuumadda iyo Hey’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 30-kii December ee sanadkii hore ee 2018 meelmariyay Miisaaniyadda dowladda oo gaaraysa 340 milyan oo dollar.