Israiil iyo Imaaraadka oo sameystay xiriir cusub

262
Isra'iil iyo Imaaraadka oo heshiiska kala saxiixday. BBC

Isra’ iil iyo Imaaraadka ayaa kala saxiixday heshiis uu garwadeen ka yahay Mareykanka loogana gol leeyahay sidii caadi looga dhigi lahaa xiriirka labada dal. Falastiiniyiinta ayaa heshiiska ku tilmaamay khiyaano dhabarka looga wareemay Falastiiniyiinta.

Heshiiska oo ku dhawaaqay Madaxweyne Trump ayaa dhigaya in Isra’iil ay joojiso qabsashada deegaanada cusub ee daanta Galbeed.

Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya dalkii koowaad ee Khaliijka iyo kii saddexaad ee Carbeed ee xiriir toos ah la yeesha Isra’iil. Horay Jordan iyo Masar oo ah labo dal oo Carbeed ayaa xiriir la lahaa Isra’iil.

Heshiiska ayaa yimid kaddib wicitaan dhanka taleefoonka oo goor hore oo khamiistii ah ku dhexmaray Madaxweyne Trump, Ra’ iisulwasaare Netanyahu iyo dhaxal sugaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayed Alnahayaan.

Wafdiyo ka kala socda Isra’iil iyo Imaaraadka ayaa lagu wadaa inay kulmaan si ay u kala saxiixdaan heshiisyo labada dhinac ah oo kale ah dalxiiska, maalgalinta, amniga, isgaarsiinta , duulimaadyada tooska ah iyo arrimo kale.

SHARE