Israel ayaa sheegtay inay weerartay bartilmaameedyo militari oo Iran iyo Suuriya ku leeyihiin gudaha dalka Suuriya, taas oo ay ku tilmaantay aargudasho gantaallo lagu lagu soo riday maalin ka hor.
Af hayeenka u hadlay militariga Israel Avichay Adraee ayaa Arbacadii sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israel ay duqeeyeen bartilmaameedyo badan oo ay lahaayeen ciidamada dibada ee ilaalada kacaanka Iran (IRGC) ee loo yaqaan Qudus – iyo ciidamada Syria, oo ay ku jiraan xarunta gantaalada hawada sare, xarunmo kaydma hubka iyo saldhigyada militari.
Milatariga Israel ayaa sheegay in qalabkooda difaaca gantaalaha ay soo rideen afar gantaal oo laga soo riday Syria kuna wajahan Israel Talaadadii.
Wakaalada wararka ee Syria SANA oo soo xiganaysa ilo militari ayaa sheegtay in qalabka difaaca cirka ee Siiriya uu awooday in uu burburiyo gantaalada badankood ee lagu tuuray caasimada Dimishiq, kahor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.
Wakaalada wararka SANA ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhaawacmeen weerarka Israa’iil. Israel ayaa sheegtay inay boqolaal ka mid ah weerarada ka fulisay gudaha Siiriya iyada oo ka hortageysa bartilmaameedyada Iiraan ee isku dayaya in ay saldhig militari oo rasmi ah halkaas ka hesho iyo ka hortag shixnad hub oo horumarsan oo la siinayo kooxda reer Lubnaan ee taageersan Hezbollah.

























