Israel oo Waji cusub u yeelaysa dagaalka Suuriya

1014

Xaaladda dalka Suuriya ayaa haatan waxaa ay u muuqataa mid galaysa waji cusub oo dagaal ah kaasi oo laga baqayo in si toos ah uu u dhex maro dowladaha Barriga dhexe qaarkood, gaar ahaan dowladaha Israel iyo Iiraan.

Wajigan cusub oo ka abuurmi raba dalka Suuriya ayaa waxaa walaac xoogan ay ku abuurtay nabadda gobalka iyo guud ahaan tan caalamka.

Israel, ayaa dhowaan waxaa ay sheegtay in gantaalo laga soo tuuray xadka Israel iyo Suuriya ay fara galiyeen islamarkaana ay soo rideen intii aanu gaarin bartilmaameedkooda, sida wasaaradda Difaaca Israel ay sheegtay.

Waxaa ay gantaaladaasi ku eedaysay inay soo tureen kooxo ka amar qaata dowladda Iiraan, waxaana markiiba diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeeyeen xarrumo kala duwan oo ku yaala dalka Suuriya kuwaasi oo ay ka howlgalayeen Iiraaniyiin dowladda Bishaar al-Asad ka taageeraya dagaalka Sokeeye  ee ka taagan dalkaas, kaasi oo markan galay sanadkiisii 7-aad.

Wasaaradda Difaaca Israel, waxaa ay sheegtay inay burburiyeen diyaaradahooda dagaalka dhammaanba goobaha Iiraan ay kaga howl-galaysay dalka Suuriya.

Duqayntan ayaa ahayd tii ugu xooganayd oo Israa’iiliyiintu ay ka fuliyaan dalka Suuriya tan iyo iintii dagaalladu ay ka bilowdeen dalkaasi.

Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in inta badan gantaalo laga soo ganay Israel la soo riday, hase ahaatee waxaa ay qireen in duqaynmaha diyaaradaha Israel ay haleeleen bakhaar hubka lagu kaydin jiray iyo xarun lagala soconayay Sistamka difaaca cirka dalka Suuriya.

Hanjabaad dheeri ah

Dowladda Israel, ayaa sheegtay inay soo afjareen wax ay ugu yeereen gardarada cad ee Iiraan ay ka wado gudaha Suuriya, gaar ahaan xadka Israel iyo Suuriya.

Waxaa ay sheegeen inay cadahay in ay qaadayaan tallaabo kasta oo ay isku difaacayaan sidoo kalena ay sii wadi doonaan beegsiga xarumaha Iiraan ay ku leedahay dalka Suuriya.

Jawaabaha Iiraan ay ka bixisay

24 sacadood ka dib dowladda Iiraan ayaa markii ugu horaysay waxaa ay ka hadashay sheegashada Israel ee ah in Iiraan gantaalo ay Israel kaga soo tuurtay xadka lagu murunsan yahay ee Suuriya iyo Israel ee loo yaqaano Golan Heights.

Iiraam waxaa ay sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwo Israel ay been abuuratay islamarkaana marmarsiinyo ay doonayso inay kaga dhigato weerarada iyo fara galinta ay marwalba ku hayso dalka Suuriya.

‘’ Yahuuddu waxaa ay caadaysatay inay carqaladayso Madaxbanaanida dhuleed ee dalka Suuriya ayadoo baal maraysa Shuruucda Caalamiga ah, taasina ma ahan wax la aqbali karo’’ Bahram Qasem, Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Iiraan ayaa sidaasi sheegay.

Baaqyada Caalamiga ah

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa waxaa uu Israel ugu baaqay inay joojiso wax uu ugu yeeray inay yihiin ‘Falalka Cadowtinimada ah, isagoo sidoo kale guud ahaan dadka iyo dowladaha ku lugta leh arrimaha Suuriya in ay ka fogaadaan wax walba oo sii murjin kara xaaladda dalka Suuriya.