Dowladda Israel ayaa wadda qorshe ay dhaqaale iyo dib u dhis ay siinayso dalalka Soboolka ah ee Caalamka si ay uga hesho taageero dhinaca siyaasadda ah.
Warbaahinta Israel ayaa maanta oo Khamiis ah Ku waramay in Ra’iisul wasaaraha Israel Binjamin Natanyahu uu bilaabay qorshe dhaqaale malaayiin dollar ah uu Ku siinayo dalalka Saboolka ah.
Dhaqaalaha ay Israel siin doonto dalalka Faqiirka ah ayaa warbaahinta Israel waxaa ay Ku warantay in gaarayso $50 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.
Lama sheegin magacyada dalalka ay caawinta dhaqaale Israel ay siin doono.
Arintan ayaa timid maalmo un ka dib markii Israel iyo Maraykanka ay wajigabax kala kulmeen shirkii guud ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay xili Golaha uh u codaynayay qaraar looga hadlayay go’aankii madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ee ahaa in magaalada Barakaysan ee Qudus uu u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.