Ciidanka Israiil ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad dagaal oo ay Suuriya leedahay.Diyaaradaan oo nuuceeda yahay Sukhoi ayay ciidanka Israaiil ee jooga xuduudda Golan la haleen gantaalka lidka diyaaradaha.Dad ku sugan koonfuurta Israaiil ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa gantaalaha lagu ganay diyaaradda.
Ciidanka Israaiil waxa ay sheegeen in diyaaradaan ay gudaha usoo gasahay xuduud haweedka dalka Israiil.Lama oga inta qof ee ku dhimatay , laakiin wararka qaar aaya sheegaya in hal duuliye uu ku dhintay.
Dawladda Suuriya ayaan wax war ah ka soo saarin diyaarada dagaal ee laga soo riday.