Ciidanka Israaiil ayaa mutadawiciin gaaraya 800 oo u dhashay dalka Suuriya u daad gureeyay dalka Urdun.Mutadawicintaan lagu naaneyso koofiyo cad ayaa in badan ka shaqeynayay hawlaha bini aadamino, iyaga oo ahaa isha kaliya ee laga soo gudbiyo xoghaha dhulalka colaaduhu halakeeyeen ee Suuriya.
Sida ciidanka miltariga Israaiil uu xaqiijiyay ,waxaa hawl galkaan bini aadaanimo la fuliyay ka gadaal codsi ka yimid dalal reer Galbeed ah, oo ka codsaday Israiil in ay dadkaasi Urdun usoo daad gureyso si ay uga badbaadaan ciidanka dawladda Suuriya oo aad ugu soo dhawaaday goobaha ay ku sugnaayeen.
Qoysaskaan ayaa lagu wadaa in ay magangalyo ka helaan wadamo reer Galbeed ah sida Ingriiska iyo Maraykanak.Dawladda Kanada ayaa durbaba balanqaaday in ay qaadan doonaan 50 ka mid ah mutadawiciinta iyo qoysaskooda.
Dawladda urdun ayaa dhankeeda xaqiijisay in ay aqbashay dad gaaraya sided boqol oo Suuriya laga soo daad gureeyay.
Mutadawicinta koofiyaha cad ayaaso shaac baxay sanadkii 2012 markii ay si weyn uga qayb qaateen samata bixinta dadka ku hoos jiray dhismayaal burburay markii duqeeyn xoog leh laga geystay goobo ay ku noolaayeen.