
Israa’iil ayaa sheegtay in ay weerartay daraasiin ka mid ah bartilmaameedyada Iraan ay ku leedahay gudaha dalka Suuriya, taas oo la sheegay inuu ahaa kii ugu ballaarnaa ee ka dhaca dalalka deriska tobannaan sano. Israel ayaa sheegtay in ay weerarka uga jawaabaysay 20 gantaal oo laga soo riday gudaha Suuriya kuwaasi oo lagu dhuftay xarumo milateri oo ay leeyihiin Ciidamada Israel.
Milatariga Israel ayaa ku eedeeyay ilaalada Kacaanka Iiraan ee Al Quds iyo taliyeyahooda, Maj. Gen. Qassem Soleimani, in ay qaadeen weerarka Israel ee buurladayda Golan Heights. Tani waa markii ugu horeysay ee Israel ay si toos ah ku eedeeyso Iran weerarka dhulka Israel.
Israel ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay duqeeyeen saldhigyo Iiraan ay ku leedahay gudaha dalka Syria, iayga oo ka waabaya weearar gantal ah oo Iran ku qaaday buurlayda Golan Heights.
Milateriga Israeli ayaa sheegay in ay 20 gantaal ay ku soo tuureen xalay Ilaalada Kacaanka Iiraan xalay dhawr goobood oo Israel ku yaalla.
Israel ayaa sheegtay in ay ka jawaabaty weeradadasi, iyada oo bartilmaameedsatay goobaha hubka lagu kaydiyo iyo xarumo sirdoon oo la sheegay in Iiraan ay leedahay. ‘
Wax war ah oo ka soo baxay Iiraan ma jiro oo ku saabsan arrintaan. Iiraan waxa ay ciidamo u dirtay Suuriya si u taageerto madaxweyne Bashar al-Asad.
Wavrbaahinta dalka Suuriya ayaa sheegtay sidoo kale in ay ciidamada cirka Syria iska caabiyeen weerar Israel ku soo qaada geyiga Syria, iyaga oo sheegay in ay soo rideen dhawr ganatal oo lagu soo riday,balse ilo kale oo ay soo xigtay Wararka Syria ee SANA ayaa sheegay in dhawr ka mid ah gantaalaha Israel lagu dhuftay saldhigyo ciidamada cirka Syria, Raadaaro iyo saanado milateri.
Waxa ay sheegtay Israel in bartilmaameedya ay duqeysay ay ku jiraan, goobta kaydinta hubka, goobaha sahayda iyo xarumaha sirdoonka oo ay isticmaalaan xoogagga ilaalada Kacaanka Iran ee Suuriya. Waxa kale oo ay sheegtay in ay burburisay shan ka mid ah hababka difaaca hawada ee Suuriya ka dib markii uu dabku ka kacay.