Israa’iil oo 7 Falastiiniyiin ah ku dishay Gaza

413
Maydadka dadkii lagu dilay weerarkii Axadii ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Khan Younis. Sawirka: [Abed Zagout/Anadolu Agency]

Ciidamada Israeli weerar qaarsoodi ah ku dilay 7 Falastiiniyiin ah marinka Gaza iyaga oo bartilmaameedsanaya sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xamaas.

Israel ayaa duqeyn u gaysatay gacanka ay maamusho Xamaas ee marinka Gaza Axaddii.  Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Hamas ayaa sheegay in ciidamada qaaska ah ee Israeli gaari shacab ku soo galeen aagga waqooyi ee u dhaw magaalada Khan Younis.

Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Nour Baraka, oo ah taliye caan ah oo ka tirsan guutada al-Qassam, ee garabka hubaysan ee Xamaas.

Hawlgallada dhulka ee gudaha Gaza waa naadir waxayna u badan tahay in ay si wayn u sii kordhiso xiisadaha.

“Waxaan maqalnay in cutubka khaaska ah ee Israel ay gudaha u galeen Khan Younis, ayna dileen Nour Baraka iyo taliye kale,” ayuu yiri Ghazi Hamad, oo ah sarkaal sare ooXamaas ka tirsan ayaa u sheegay Al Jazeera.

“kaddib gaariga qaada cutubkii iyo dadkii kale ee gudaha ee la shaqaynayay, waxa ay isku dayeen in ay baxsadaan..balse waxaa dabagalay guutada al-Qassam ee Xamaas kaddibana Israel waxa ay isku dayday in ay qarsido gaariga iyadoo oo duqeynu gaysatay magaalada Gaza’’. Ayuu ku daray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in inta lagu jiray is eryashada, ay Israel 40 gantaal ku riday aagga magaalada Gaza ee dhacdadu ka dhacday, iyadoo dishay ugu yaraan 4 qof oo kale.

Fawzi Barhoum, afhayeenka ururka Xamaas, ayaa cambeerayay isagoo ugu yeeray  “weerar fulaynimo ah ee Israel”.

SHARE