Israa’iil iyo Xisbulaah oo rasaas isku weydaarsaday xuduudda Lubnaan

814

Israa`iil iyo Xisbulah  oo dhawaanahaanba xiisadda u dhaxeysay ayaa cirku isku sii shareereysay ayaa rasaas isku weydaarsaday xuduudda Lubnaan ay la wadaagto Israiil. Isra`iil ayaa sheegtay Axaddii in ay duqeysay Koonfurta dalka Lubnaan kaddib markii ay kooxda Xisbulah ay duqeyn u geystay baro ciidan iyo rayid meelo ku dhow xudduuda labada dal. Xisbulah ayaa ka falcelineysay weerar diyaaradaha aan la waddin ee Isra`iil ay horay uga geysteen dalka Lubnaan.

Gantaalaha ay Xisbulah Axaddii  ku ganeen Israa`iil ayaa haleelay dhowr bartilmaadeed oo ku yaalla magaaladda xududda ku taal  Avivim ciidanka Isra`iil ayaa sidaas sheegay iyaga oo intaas ku daray in ay iyaguna uga falceliyeen duqeymo gaaraya boqol oo ay ka geysteen gudaha dalka Lubnaan.

Xisbulah ayaa sheegtay in weerarka ay geyteen uu burburiyay taangi ay leeyihiin ciidanka Isar`iil taas oo sababta dhaawaca iyo dhimashada dadkii gudaha ku jiray. Israa`iil ayaa se gabi ahanba beenisay in wax khasaaro ah ay ka soo gaareen weerarka.

Afhayeen u hadlay ciidanka Isra`iil ayaa sheegay in duqeymaha hubka lidka taangiga ay Xisbulah geystay ay waxyeello u geystay saldhig milatari oo ku yaalla gdaha Isra`iil. Afhayeenka ayaa dhanka kale tilmaamay in weerarka uu soo gabagaboobay.

Warbaahinta gudaha Israa`iil ayaa soo wariyay in weerarada dhacay ay ku jiraan kuwa cirka ah. Dhankooda ciidanka Lubnaan ayaa xaqiijiyay duqeymo gaaraya ilaa iyo afartan oo ka dhacay Yaruun iyo Yaruun Al Mas.

Ra`iisul wasaaraha dalka Lubnaan Rafiiq Al xiriiri ayaa  xiriiro la sameeyay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo dibloomaasyiin Faransiis ah si xaaladda loo dajiyo oo aysan faraha uga bixin. Xariiri ayaa ka codsaday Mareykank iyo Faransiiska  in ay arrinta farogaliyaan.

Xisbulaha oo horay ay dagaallo Israa`iil u dhexmareen ayaa hoggaamiyaheeda waxa uu dhawaan khubdab uu ka jeediyay Telefishinka ugu hanjabay Isra`iil. Xasan Nasaralaha ayaa sheegay in ay ka aargudan doonaan weeraro kuwa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo Israa`iil ay ka geystay gudaha caasimadda Lubnaan ee Beyruut.