Ismaaciil Raage: Naafanimadu Ma ahan Awood la’aan

1674
Ismail Raage receiving his graduation certificate from Simad University yesterday.

 

Mogadishu (UM) – Ummadda Media waxaa ay aad ugu faraxsan tahay inay Hambalyo u dirto Ismaaciil Raage, oo ah arday shalay ka qalan-jabiyay Jaamacadda SIMAD islamarkaana helay Shahaaddada (bachelor) ee kulliyadda Bangiga iyo Dhaqaalaha. Ismaaciil, waxaa uu bulshada Soomaiyeed ku dhiira-galiyay go’aanka uu Ku guulaystay waxbarashadiisa isagoo Naafanimo la noolaa.

Dadka Soomaaliyeed ayaa Ku soo xoomay ama arkay sawirka  Ismaaciil Raage, oo qaadanaya Shahaaddadiisa Qalan-jabinta iyo waliba kulanka uu maanta la qaatay wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, taasi oo ka turjumaysa sida dadka Soomaaliyeed ay u taabatay guusha rasmiga ah ee uu gaaray Ismaaciil Raage. Wasiir Beyle, waa inuu si xoogan uga  shaqeeyaa si uu shaqo ugu heli lahaa aqoon-yahankan da’da yar waliba uu shaqo ugu soo helaa wasaaradiisa ama Bangiga Dhexe ee Qaranka maadaama uu Mr. Beyle, mas’uul uu ka yahay maamulka Baananka iyo Maaliyadda Qaranka. Labada Hay’adoodba Waa ay u baahan yihiin Dhalin-yaro Awood iyo aqoonba u leh sida Ismaaciil Raage oo kale.

Naafa-nimadu ama Lixaad la’aanimadu caqabad kuma ah in la sameeyo Horumar iyo dadaal kasta. Aadanaha oo idil Waa ay la kulmaan caqabado kala duwan ha ahaato mid Jireed iyo mid maskaxeed, dhammaan caqabadahana waxaa looga gudbi karaa go’aan iyo isku-kalsoonaan. Ismaaciil Raage waa uu maray labadaasi, taasi oo uu ku guulaystay ammaanta macalimiintiisa iyo Maamulka Jaamacadda SIMAD.

Bulshada Soomaaliyeed waa mid aad u naxriis badan, hase ahaate waxaa wali jira Takoorid aad u wayn oo ka dhan ah dadka Naafanimada la nool.Inta badan ereyada sida ” Curyaan” iyo “Naafo” waa ereyo si aan loo meel dayin ama si aan Kama ahayn loogu sheekaysto, badanaa haddana dadka Lixaadka la’ hortooda. Tani, waa mid ka baxsan Diinta Islaamka taasi oo wiiqaysa qaab dhismeedka bulshada. Waxaa jira dad firfircoon oo ka mid ah dadka Naafanimada la nool, hase ahaatee waa inay jirtaa firfircoonaan dhanka Xukuumadda, Ganacsatada gaarka ah iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed si loo gaaro is-afgarad dhinaca Caddaaladda ah  taasi oo Ku aadan fursad siinta dadka Soomaaliyeed ee Lixaadkooda aan dhamaystirnayn.

iyada oo la eegayo Taariikhda burburka iyo Dagaalladda sookeeye ee Soomaaliya, waxaa jira dad badan oo Lixaadkooda aan dhamaystirnayn kuwaasi oo badankood ah kuwo leh nasiibka Ismaaciil Raage oo kale isaga oo helay fursado uu wax Ku barto ama si aan qarsoonayn ugu dabaal dagay guushiisa aqoonta. Tani waa mid u baahan in la siiyo dareen iyo ficil laga doonayo dhammaan dadka Soomaaliyeed.