Isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta dowladda waa inay qeyb ka noqdaan wasaaraddaha oo dhan -UM

402

Muqdisho ( UM) – Toddobaadkii hore, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beileh ayay su’aallo weydiiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed xilli uu ka qeyb galayey barnaamijka isla xisaabtanka ‘Dood Furan’ halkaas oo lagu weydiiyay su’aallo ku aaddan tallaabooyinka waxqabad, siyaasadaha guud iyo dib-u-habaynta Wasaaradda Maaliyadda. Barnaamijka Dood Furan ayaa isku keenay siyaasiyiin, dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshadda, ardayda jaamacadaha iyo ganacsato si ay wax uga weydiiyaan wasiirka  guulaha iyo caqabadaha Wasaaradda Maaliyadda. Barnaamijku oo si toos looga tabinayey TV-ga qaranka ayaa sidoo kale dadku su’aalahooda ku soo dirayeen baraha bulshadda.

Furitaanka barnaamijka Dood Furan, Wasiir Beileh ayaa ka hadlay guulaha, dib-u-habeynta maaliyadeed ee ay wado Wasaaradda iyo caqabadaha jira isagoona ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay sii wataan taageerada geeddi-socodka dhismaha dowladnimadda Soomaaliya  iyada oo ay midaasi ay ku bilaabayaan bixinta canshuuraha, kobcintra ganacsigooda iyo in ay u hoggaansamaan shuruucda dhaqaale aruurinta ee dalka. Wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay in Soomaaliya ay tahay baabuur ku dhex jira dhiiqo, ayna waajib ku tahay Soomaalida oo dhan in ay ka saaraan dhoobada uu ku jiro dibna loogu soo celiyo gaarigaasi wadada. Waxa kale oo uu ku qeexay marxaladda kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya sida kombiyuutar qalabkiisa aan wali la dhameystirin iskaba daaye in kombiyuutarku uu si wanaagsan u shaqeeyo. Hase yeeshee, aragtidiisa ayaa ah in Soomaaliya ay wali ku socoto wado dheer oo ay ku gaari karto horumar iyo guulo dhaqaale.

Waxaa ahmiyad gaar ah u yeelay banaamijkan ayaa ah in ka qaybgalayaasha dooda intooda badan ay soo dhaweeyeen inay fursad u helaan la xisaabtanka madaxda dalka. Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ayaa ka dhigan in dadwaynaha aanay muhiim u arkeynin kelliya wasiir Beileh ama Wasaaradiisa, balse ay muhiimiyadda ugu weyn u arkeen inay helaan fursad ay kula xisaabtamaan.

Inkastoo Dr. Beileh uu xaq u leeyahay in lagu amaano dadaallada iyo guulaha ay ku talaabsatay Wasaaraddiisa, gaar ahaan barnaamijka ay kor-joogtada ka ay tahay hey’adda Lacagta Adduunka ee (SMP), ayaa ah talaabo lagu yareynayo eedeeymaha musuq-maasuq ee ka dhex jira qeybaha kala duwan ee dowladda midaas oo ahayd waxyaabaha ay aadka u danaynayeen inay dadweynaha wax ka ogadaan. Su’aalaha muhiimka ah  ee wasiirka la weydiiyay waxaa ka mid ahaa cashuur dhaafka loo sameeyo xildhibaanadda halka qeybo ka mid ah shaqaalaha rayidka ah oo ka dakhli yar laga qaado canshuur ka badan midda xildhibaanadda? Wasiirka ayaa sidoo kale waxa laga weydiiyay canshuuro la sheegay in laga qaado bulshadda gacanstadda ah gaar ahaan gadiidleyda oo la sheegay inaaney waxba ka ogeyn Waasaradda Maaaliyadda.

Waxaa kale oo wax laga weydiiyay waxa uu ka ogyahay wasiirku lacago deeq Ciid oo la sheegay in la siiyey xubnaha baarlamaanka oo ka baxsan miisaaniyadda lacagtaas horaantii sanadkan? Wasiirka ayaa si wanaagsan uga jawaabay qaar ka mid ah su’aalaha adag ee la weydiiyay halka qaar kalena aanay laheyn qoto dheer iyo falanqayn dhab ah, madaama aanu wasiirku ugu jawaabin si cad. Ugu dambeyntiina, natiijada ugu weyn ee ka dhalatay kulankan taariikhiga ah ee wasaaradda iyo dadweynuhu, waxay ahayd in la isla gartay inay waqti qaadan doonto si ay ugu dambeyntii u dareemaan muwadiniinta Soomaaliyeed in kororoka dhaqaalaha dalka uu saameeyn toos ah ku yeesho nolosha, sida suurtagalinta adeeygadda aasaasiga ah ee bulshadda.

Labada xubnood ee ugu sareeya dowladda, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xasan Cali Khayr ayaa aad uga hadla daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka. Ereyadani wax macno ah ma sameyn donaan hadii aanan ficil iyo fullin lagu darin. Dadka Soomaaliyeed waxay maqleen oo ay arkeen ereyo badan oo macmacaan balse xilligan waxay u baahanyihiin ka dhabeyn, waxaana muhiim ah in la xuso in kalsoonidda shacabka ee dowladda aanay aheyn sida markii hore. Haddaba, si loogu guuleysto tageeradda shacabka,  habka ugu muhiimsan ee looga gudbi karo kalsooni darrada dadweynaha ayaa ah in dowladan ay dhabeyso balanqaadyadeeda. Si midaas loo gaaro, muhiim maahan oo kelliya in wasiiradda xukumaddu ay kulamo dibadda la iskula baxo yeshaan, halkaas oo midba ku amaano midka kale, balse, waxaa loo baahanyahay xaqiiqda dhabta ah inay wasaaraddu iyo wasaaradahu si toos ah uga dhageystaan shacabka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaruhu waxay door firfircoon oo toos ah ka qaateen soo xulidda Golaha wasiiradda, waxayna ugu dambeyntii mas’uul ka yihiin waxqabadkooda iyo natiijada barnaamijkooda siyasadeed madaama ay wasiiradu fulinayaan qorshaha guud ee siyaasadda dowladda. Ilaa iyo hadda, dadweynuhu waxay dareemayaan inay jiraan guulo siyaasadeed oo aad u yar oo dowladdani ay sheegan karto taas oo saameyn toos ah ku yeelanan karta noloshooda. Si kastaba ha ahatee, xukuumaddu waxay u aragtaa inay si aad ah u shaqeysay gaar ahaan marka loo eego jawiga iyo bey’adda adag ee ay ku shaqeyso sida Soomaaliya oo kale midaas oo kordhinaysa halista ah in dowladu la kulanto caqabaddo, sidaa darted marka loo eego dowladda, horumar kasta waa mid weyn. Haddaba, sidii la isku waafajin lahaa dooda dowladda iyo midda shacabka, waa arrin u taala dowladda, balse, bilow fiican wuxuu noqon karaa in la raaco tallaabada Wasiirka Beileh iyo wasaaradiisa , iyadoo wasaaradaha kale oo xukumada oo dhanni iyo qeybaha kale ee muhiimka ah ka ay hor yimadaan shacabka si wax looga weydiiyo wax-qabadkooda. In talaabo noocaas ah la qaado, dhammaanteen waxaan dareemi karnaa isla xisaabtan iyo daah-furnaan dhab ah, midaas oo sahli karta in la fahmo jihadda, wax-qabadka iyo hiigsiga dowladda, midaas oo ay ku jirto qorshe cusub oo hore loogu sii wadi amba qaadayo kuwii hore la iskugu raacay.

Dowladdaani waxay si joogto ah ugu xustaa guulaha laga gaaray qeybo ka mid ah talaabooyinka ay hore u qaaday. Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa marar badan ku celceliyay “hannaanka dib-u-habeeynta laamaha dowladda” balse wali awood uma yeelin fullinta balan qaadkii dib- u- habeyntan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaaha xukumadda ee uu hore u ballanqaaday. Madaxwaynaha ayaa u muuqda in uu lumiyey xiriirkii tooska ahaa ee uu bulshadda la lahaa isagoo, waxaana la arkaa oo kaliya marka waddooyinka ay xiranyihiin ama uu sii galayo Wasaaradda gashaandhiga iyo xilliga uu maddaarka u socdaalo.

Waxaa intaas sii dheer, wasiiro badan ayaa waqtigooda ugu badan dalka ka maqan, iyagoo marka ay waddanka joogaana iska seexda halka waqtiga intiisa kalena ay ku lumiyaan ka dhex sheekeynta hoteelo qaali ah habeenkii oo ay ku baxaan kharashka canshuur bixiyeyaasha Soomaaliyeed. Waxaa si dhab ah u jirta baahi loo qabo in dadweynaha ay la xisaabtamaan madaxdooda. Sida ugu dhaqsaha badan ee ay dowladdu u muujiso ka dhabeynta balamaha ay qaaday waxay horseedi doontaa hanashada kalsoonida shacabkeeda.

SHARE