Muqdisho ( UM) -Wasiir ku xigeen wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta dugsiyada dowladda ay dhawaan maamulkooda la wareegtay u qeybiyay Buugaagta Manhajka ee dhawaan ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
Iskuulladan oo ku yaalla Gobolka Banaadir islamarkaana ah Dugsiyadii dhawaan Dowladda ay la soo wareegtay ayaa mid mid u galay fasallada, isagoo Ardeyda u qeybiyay Buugaagta cusub.
Agaasimaha waaxda Dugsiyada wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Muuse Maxamed Carraale, ayaa bogaadiyay Manhajka waxbarashada dalka isagoo kula dardaarmay Waaliddiinta in ay ka shaqeeyan sidii loo kobcin lahaa garaadka Caruurtooda.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Feysal Cumar Guuleed, ayaa sheegay in iskuullada ay la soo wareegtay Dowladda intooda badan loo qeybiyay Manhajkan cusub.
“Maanta waxaan nasiib u yeeshay in iskuulladii dhawaanay la soo wareegtay wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare inaan u qeybiyo Buugaagtii ay wax ku baran lahayeen, intooda badan waa la soo qeybiyay”ayuu yiri wasiirk ku xigeenka.
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa dhawaan la soo wareegtay maamulka 24 Iskuul oo isugu jira Dugsiyo Hoose iyo Dhexe kuwaasi oo ku yaalla Gobolka Banaadir.